Wednesday, April 22, 2026
28.3 C
Mogadishu

Wafdi ka socda Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo Muqdisho yimid

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Interpol ah.

Wafdigaan oo ahaa heer caalami ayaa booqasho ku yimid taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee uu ku yaalo Xafiiska Hoggaanka Interpol.

Ha‘yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah-wadaag la ah Ciidanka Boliiska ayaa iyaduna qeyb ka aheyd kulanka, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’ada, G/sarre Maxamed Adan Koofi.

Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu gorfeeyay howlaha iyo Iskaashiga Interpol ee dhanka hay’adaha Amniga Soomaaliya, waxaana lagu ballamay wadashaqeyn iyo iskaashi heer caalami ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...