Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay Kulankii Xasaasiga ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb?, Maxaa lagu heshiiyay!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa kulan xasaasi ah magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaannada Maamulka Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa uu u dhaxeeyay, Xildhibaano ay ka mid tahay Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid Magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb uyo deegaano kale.

Waxaa Kulankan looga hadlay sidii xal looga gaari laha kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex-gashay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlsunna, qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo dhismaha Galmudug mideysan.

Xog hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya in kulamada inta badan la isku afgartay, balse markale Tallaadada maanta ah kulamo kale ay ka dhici doonaan Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, waxaa filayaa in dhawaan magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug.

Isha ku haay mar walba Halqaran.com, si aad u hesho warar xiiso leh oo xaqiiq ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...