Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Goobo Ganaci oo lagu boobay K/Afrika & Soomaalida oo ..

Johannesburg (Halqaran.com) – Bucad Koonfur Afrikan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay boobeen goobo ganacsi oo ku yaal deegaanka Soweto oo (24,3 km) u jira Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Goobaha Ganacsiga ee la boobay oo gaaraya saddex Dukaan ayaa waxaa leh Ganacsato u dhalatay dalka Itoobiya, waxaana goobta uu boobka ka dhacay Ganacsiga ugu badan ku leh Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

In kastoo aysan jirin goobo Ganacsi oo Soomaalida leedahay oo la boobay ayaa hadana qaarkood waxaa ay sheegeen inay Alaabtooda kala baxeen, isla markaana haatan ay dareemayaan cabsi la xiriirta in Koooxaha burcadda ah ay boobaan.

Sidoo kale Ganacsatada Soomaalida waxaa ay sheegeen inay hanjabaad kala kulmeen qaar kamid ah dadka u dhashay dalka Koomfur Afrika ee degan deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesburg.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Goobo Ganacsi oo waaweyn ku leh Soomaali iyo Itobiyaan, waxaana ay la kulmaan dhac, dil iyo  weeraro mararka qaar lagu dhaawaco Ganacsatada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...