Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa loogu so dhoweeyey Magaalada Muqdisho.
Mr. Laftagareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada ka socda Muqdisho ee ku aadan in doorashada xilligeeda ku dhacdo laga hirgaliyo dalka lana dedejiyo guddiyada cusub ee kuwii horay loo eedeeyay lagu badalay.
Xildhibaanno tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay in uu soo badalay xubnihii lagu eedeeyay in ay yihiin NISA iyo shaqaalle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





