Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Qarax ka dhacay Baydhabo iyo khasaare ka dhashay

Baydhabo (Halqaran.com) – Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay suuqa lagu iibiyo Qaadka ee ku yaalla magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku taala Suuqa, islamarkaana halkaasi ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baydhabo.

laamaha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaanan weli faah-faahin ka bixin qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse weeraradan nuucaan ah waxaa fuliya Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...