Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee taabacsan guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka horyimid heshiiska doorashada ee la filayo in maanta lagu saxiixo xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan u caddeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, in wax talo ah aanan ku laheyn, wax xog ah oo sax ahna aanan ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd saddex qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Ugu dambeyntii qoraalka ay soo saareen siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee taabacsan garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxay ku sheegeen in hadii sidaan maanta lagu soo gabagabeeyo shirka ay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin la xariirta qadiyadda doorashada 57-ka kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, isla markaana ay ka qaadan doonaan go’aan masiiri ah.
Wixii maanta ka dambeeya ayaa la filayaa in dalka uu ka bilowdo ololaha doorashooyinka , iyo dhismaha xildhibaanada cusub ee badeli doono kuwa hada jooga.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





