Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Golaha Ammaanka ee QM oo maanta fadhi ka yeelanaya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

New York (Halqaran.com) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Talaadada maanta ah fadhi ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya sida uu xaqiijiyay xafiiska UNSOM oo u qaabilsan arrimaha dalka, waxaana lagu falanqeynayaa doorashooyinka, amniga, wadahadalka socda iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dalalka xubnaha ka ah golahaan.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey James Swan ayaa ka qeyb galaya kulanka isaga oo gudbinaya warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda Soomaaliya si gaar ah isbadalka siyaasadeed iyo wadahadalka doorashooyinka.

Swan oo xog uruurin sameeyay saddexdii cishe uu socday wadahalka siyaasadda, isbadalkii dhacay 1-da May 2021 markaas oo uu Golaha Shacabku laalay muddo kordhinta iyo dib usoo celinta wada-xaajoodka salka u ah heshiiskii 17-ka September 2020 waa nuqulada uu la shir-tegayo danjire James.

Kulanka ayaa qabsoomaya 5-ta Galabnimo xilliga Geeska Afrika, waxaana madaxda lagu casuumay kamid ah madaxa AMISOM danjire Francisco Madeira iyo mas’uuliyiin kala duwan oo aan si gaar ah loo tilmaamin..

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...