Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Meydka ganacsade Soomaali ah oo toddobaadyo La La’aa oo la helay

Kenya (Halqaran.com) – Ehelada nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo la waayey 13-kii bishan, ayaa xaqiijiyey in meydkiisa laga helay meel duur ah oo ku taal Mwea ee gobolka Kirinyaga taasoo Nairobi u jirta 180 km.

Waxay intaa ku dareen in meydka marxuum Bashiir Maxamed Gaboobe laga helay meel duur ah kadibna la geeyay qolka maydka ee magaaladaas Mwea, waxaanay sheegeen in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jir dil ah.

Marxuumka oo haystay dhalashada Mareykanka ayaa madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka waday gudaha Kenya.

Bashiir Maxamuud ayaa muddo toddobaadyo ah la la’aa meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa maalmo yar kaddib waayitaankiisii duleedka magaalada laga helay gaari la rumaysan yahay in uu yahay gaarigiisa oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan ayaa ahaa 35 sano jir.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...