USA (Halqaran.com) – Warqad uu qoray Albert Einstein oo uu ku qoray isla’egta ugu caansan adduunka ayaa lagu xaraashay 1.2 milyan oo doolar.
Warqaddaan ayaa waxaa qoray Albert Einstein wuxuuna u qoray ninkii cilmiga Physics-ka ku takhasusay una dhashay Mareykanka Ludwik Silberstein, waxaana la qoray sanadkii 1946, Warqaddaan oo ah mid gacanta lagu qoray ayaa waxaa ku qoran isla’egtiisa caanka ah ee “E=mc2”, sida lagu daabacay RR Auction.
Qiimaha billowga ah ee warqadda wuxuu ahaa qiyaastii $400,000, balse wuxuu gaaray 1.2 milyan oo doolar, xaraashka ayaa billowday 13-kii May 2021 wuxuuna soo idlaaday 20-kii May 2021.
Warqadda ayaa qeyb ka ahayd keydka gaarka ah ee Silberstein, waxaana iska iibiyay faraciisa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





