Mecca (Halqaran.com) – Ciidanka Ammaanka ee Masjidka Xaramka ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen nin shalay weeraray imaamka oo akhrinayay khudbadda Jimcaha.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in eedeysanaha la qabtay, ka hor inta uusan gaarin Minbarka halkaas oo uu imaamku ka jeedinayay khudbadda.
Imaamka oo lagu magacaabo Sheekh Bandar Baleelah ayaa waxa uu ka mid yahay Imaamyada ku qoran Xaramka Shariifka ah ee Makah Al-Mukaramah.
Bishii la soo dhaafay ee April ayaa waxaa Xaramka lagu qabtay nin ku hubeysnaa maqar, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu weerar geysan lahaa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





