Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa dhammeystirka heshiiskii 17-kii September iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dalka ka dhaceysa oo madaxda aysan weli heshiis rasmi ah ka gaarin.
Saacadaha soo socda ee maanta ayaa waxaa uu qorshahu yahay inuu shirka ka furmo Teendhada Afisyooni, waxaana shirka guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka, iyadoona maanta la filayo inuu caasimadda yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ku sugan Jowhar.
Beesha Caalamka iyo midowga musharraxiinta ayaa taageero u muujiyay shirka furmaya, iyagoona wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in Madaxda ay heshiis rasmi ah uga gaaraan khilaafka hareeyay doorashada dalka ka dhaceysa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





