Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Mareykanka oo ansixiyay in hub ku kacaya $735 milyan laga iibiyo Israa’iil

USA (Halqaran.com) – Maamulka Biden ayaa ansixiyay hub ku kacaya 735 milyan oo doolar in laga iibiyo Israa’iil, iyadoo xubno ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ay ka digeen in Mareykanku uu hub ka iibiyo Israa’iil.

Maamulka Biden ayaa markii hore ka gaabsaday in uu ku baaqo xabad joojin deg deg ah, iyadoona madaxweyne Biden uu horraantii asbuucaan sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo.

Qaar ka mid ah Dimoqraadiyiinta ayaa su’aal ka keenay taageerada Washington ee Netanyahu iyagoo walaac ka muujiyay in hubkaan loo isticmaalo weerarka Isreal ay ku heyso dhulka Falastiiniyiinta.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu dhow Israa’iil ayaa sanad kasta lacag ku bixiya milatariga Israa’iil, waxaana Mareykanku uu sanad kasta ku bixiyaa milatariga Israa’iil lacag gaareysa 3.8 bilyan oo doolar.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...