Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shirkadda YouTube oo bil kasta $100 milyan siin doonta dadka leh muuqaalada ugu daawashada badan

California (Halqaran.com) – Shirkadda YouTube ayaa bilaabi doonta mashruuc ay ku bixin doonto 100 milyan oo doolar, lacagtaas waxaa heli doona dadka muuqaaladooda ay ka helaan dadka ugu badan, muuqaalada ayaana ku kooban muuqaalada gaagaaban ee loo yaqaano Shorts.

Mashruucaan ayaa bilaaban doona bilaha soo socda halkaas oo kumanaan qof ay heli doonaan lacagtaas sanadkan iyo sanadka 2022, sidaa waxaa sheegtay shirkadda YouTube.

Muuqaalada gaagaaban ayaa noqday kuwo aad loo daawado, waxaana YouTube ay adeegsaneysaa lacag si ay u soo jiidato hal abuurayaal badan oo leh taageero fara badan.

Shuruudda laga rabo qofka sameynayo muuqaalada gaagaaban ayaa ah in muuqaalku uu yahay mid uu isagu leeyahay, waana in uu raacaa shuruucda YouTube.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...