Tel Aviv (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in diyaaraha caalamiga ah ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen garoonka diyaaradaha Israel ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv.
Gantaalaha kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka diyaaradaha Israel iyo magaalooyinka kale ee ay Israel xoogga ku haysato.
Shirkadaha Delta Airlines, United Airlines, Lufthansa iyo Austrian ayaa isbeddel ku sameeyay jadwalkoodi duulimaad ee ay ku tegi jireen Israel.
Etihad Airways iyo Fly dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraatka ay si rasmi u joojiyay duulimaadyadii ay ku aadi lahaayen Israel.
Israel ayaa duqeyn aan kala sooc lahayn ka fulisay marinka Gaza, waxayna ku dishay in ka badan 180 qof oo ay ku jiraan 50 carruur ah.
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa lagu wadaa inuu Axadda maanta ah kulan ka yeesho xaaladda Falastiin iyo Israel, si xal deg-deg ah looga gaaro dagaalka socda isbuuc.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





