Tel Aviv (Halqaran.com) – Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha Israa’iil iyo Falastiin Hady Amr ayaa gaaray Tel Aviv, iyadoo maamulka Biden uu ka shaqeynayo sidii loo joojin lahaa xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin, sida laga soo xigtay safaaradda Mareykanka ee Israa’iil.
Amr ayaa la filayaa in uu qabto kulamo ballaaran uu la qaadan doono wakiilo ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo ra’iisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa horey u sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, lamana oga waxa ay soo kordhin doonto sarkaalkan uu Mareykanku u diray Israa’iil, iyadoo saaxiibka ugu dhow Israa’iil uu yahay Mareykanka, wuxuuna Mareykanku sanad kasta lacag ku bixiyaa milatariga Israa’iil.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





