Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo 15-ka May ku beegan.
RW Rooble ayaa xusay doorkii xornimo-doonka dhallinyarada Sooomaaliyeed ay ka geysteen iyo inay dhallinyaradu tahay laf-dhabarta Bulshadeena markastana yihiin kuwo door weyn ka qaata hawlaha loogu adeegayo Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, ayaa xusay in xukuummadiisu ay door weyn siinayso dhallinyaradda Soomaaliyeed.
‘‘Xukuumadda Soomaaliyeed iyadoo garowsan muhiimadda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qayb galkooda dhinacayada kala duwan ee nolosha si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka‘‘ ayuu yiri RW Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





