Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Qoor Qoor oo Gaalkacyo kawada dadaalo lagu xalinayo xiisad ka dhalatay dil loo geystay Sheekh caan ahaa

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa halkaas kawada dadaalo lagu xalinayo shaqaaqo ka dhalatay dilkii loo geystay  Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali dheere).

Khamiistii toddobaadkii hore magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dilkii deegaan hoos taga Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Dheere, waxayna dadka banaanbaxayey dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dilay Sheekh Cali.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, isaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa shaqaaqada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere oo ay ka dhasheen dibadbaxyo, isagoo u sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashanayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Sheekha.

Dadaallada uu madaxweyne Qoor Qoor ka wado Gaalkacyo waxaa ku wehliya taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed Kaniif, waxayna kulamo la yeelanayaan saraakiisha ciidamada, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...