Gedo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo deegaanka Caracase ee gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidamada DF Soomaaliya iyo xubno ka tiran maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada dowladda oo ka soo ambabaxay degmada Garbahaareey kuna wajahan degmada Beled-xaawo ay weerar jid-gal ah ku qaadeen maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dagaalka Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, welina ay wadaan howlgal ka dhan ah si loo xaqiijiyo Amniga waddada xiriirisa Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beled-Xaawo ee GobolkaGedo.
Warar ay Halqaran News ka helayso deegaanka Caracase ayaa sheegaya, inay jirto dareen cabsi weyn ah, in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana deegaanka ku sugan Ciidamada dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka.
Dhowr jeer hore waxaa waddada xiriirisa magaalooyinka Garbahaarey iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada DF Soomaaliya iyo maleeshiyaad Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





