Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Haweeney la xiray kaddib markii ay isticmaashay $1.2 milyan oo si khalad ah akoonkeeda loogu soo diray

Louisiana (Halqaran.com) – Haweeneydaan oo 33 jir ah ayaa la xiray kaddib markii ay isticmaashay lacag aad u farabadan taasoo si khaldan akoonkeeda loogu soo diray.

Kelyn Spadoni oo degan gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayaa sameysatay dukaameysi aad u farabadan, iyadoo iibsatay guri cusub iyo gaari cusub, waxayna ku dukaameysatay lacag aysan laheyn oo si khalad ah akoonkeeda loogu shubay.

Charles Schwab oo ah shirkad weyn oo ka shaqeysa arrimaha maaliyadda ayaa lacagta ku shubtay akoonka haweeneydan si khalad ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Kelyn Spadoni ayaa lagu soo eedeeyay khiyaano bangi iyo xatooyo, sida laga soo xigtay New York Times.

Markii ay shirkaddu ogaatay khaladka dhacay waxay maalintii xigtay isku dayday inay soo ceshato lacagta, balse qiyaastii rubuc ka mid ah lacagta ayaa horay loo isticmaalay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Muddo bil ka badan ayay shirkaddu sheegtay inay dhowr jeer isku dayday inay la xiriirto Spadoni iyadoo loo marayo qoraallo,wicitaanno iyo email-lo si loo soo celiyo lacagta la wareejiyay laakiin waxay sheegtay in farriimaha aan laga jawaabin, sida ay qortay Times.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...