Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Biden oo kordhiyay tirada qaxootiga sanadkii uu Mareykanka qaabilayo

Washington (Halqaran.com) – Madaxweyne Joe Biden ayaa qaaday xaddiidaadda tirada qaxootiga uu sanadkii dalkiisa qaabilayo taasoo uu horay u soo rogay Maamulkii Trump kaddib markii xisbigiisa uu ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa.

Madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga tirada la oggol yahay wuxuu ka dhigayaa 15,000-62,500, iyada oo ay weliba dhaliilayaan dadka iyo hay’adaha u doodo xuquuqda qaxootiga.

Mr Biden wuxuu sheegay tiradaasi yar “iney ka tarjumeyn qiyamka Mareykanka”.

Warbixinno bishii hore la soo saaray waxaa lagu sheegay iney walaac ka qabaan in dad badan oo qaxooti ah dalka lagu soo fasaxo iyada oo ay jirto tira aad u sii kordheyso oo dadka soo galootiga ah ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico.

Tirada cusub ee ah 62,500 “waxay meesha ka saareysaa tirada aadka u hooseysay uu horay u dajiyey madaxweynihii hore ee Donald Trump, ayuu yiri Mr Biden.

Wuxuu sida oo kale sheegay inuu maamulkiisa uu damacsan yahay inuu tirada qaxootiga sanadka soo socda la aqbalayo uu ka dhigo 125,000.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...