Minneapolis (Halqaran.com) – Nin qirtay inuu gacan ka geystay dabkii la qabad siiyay saldhiga booliska magaalada Minneapolis intii lagu guda jiray mudaharaadkii dilkii George Floyd ayaa Arbacadii lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.
Dylan Shakespeare Robinson, oo 23 sano jir ah ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu dib u bixiyo $12 milyan oo ah khasaarihii ka dhashay dabkii ka kacay saldhiga booliska Minneapolis. Robinson ayaa qirtay dambiga bishii December isagoo sheegay inuu soo maleegay dabka ka kacay saldhiga booliska.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay Robinson inuu saldhiga ku shiday Cocktail Molotov iyadoo sidoo kale la sheegay inuu jeexjeexay xeyndaabka ku wareegsan dhismaha.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





