Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka IGAD ayaa waxa uu walaac xooggan ka muujisay dagaalladii shalay iyo xalay ciidamada dowladda federaalka iyo Ciidamada Milateriga ee taageersan Mucaaradka ku dhexmaray xaafado ka mid ah Caasimadda Muqdisho.
War qoraal ah oo kooban oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada inay is xakameeyaan, isla markaana badnaadiyaan nafta iyo Guryaha dadka rayidka ah.
“IGAD waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay rabshadaha ka socda magaalada Muqdisho, waxayna ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan wax walba oo xakameyn ah,‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka Ururka goboleedka IGAD.
Sidoo kale, waxay IGAD ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay ku laabtaan wada hadalka iyo sii wadida wadada lagu xalinayo qalalaasaha doorashada si xal loo gaaro.
Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wadaa dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxeeya DF Soomaaliya iyo mucaaradka.
Warar hoose oo ay heleyso Halqaran News ayaa sheegaya, in goobihii lagu dagaallamay shalay iyo xalay la geynayo Ciidamo ka tirsan AMISOM, si loo baajiyo in markale uu dagaal dhaco.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





