Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

DF Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis cusub kala saxiixday

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday Heshiis Dhanka Waxbarashada ah iyo Shaqo Abuurka.

Munaasabadda Heshiiska Mashruuca Waxbarashada iyo Shaqo Abuurka ee TVET ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Sii-haayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaanay dadkii ka soo shaqeeyay, waxaana uu sheegay in mashruuca TVET uu xambaarsan yahay Fursado isagu jira shaqo abuur iyo Waxbarasho,  taasi oo uu xusay in ay tahay howl loo baahan yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Cabdulaahi Carab ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo ay maalgelinayso Midowga Yurub.

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgelinaysa madhruuca ee Midowga Yurub.

Mashruucan oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talo galay sameynta xirfadaha Waxbarashada ee tababarka Farsamada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...