Puntland (Halqaran.com) – War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa si cad ay ugu soo horjeesteen muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen Hay’adaha dowladda.
“Maamulka puntland ma aqoonsana tallaabada sharci darada aheyd ee uu golaha shacabka ku meel mariyay waxay ugu yeereen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ee dowladda Federaalka”ayaa lagu yiri qoraalka.
Puntland ayaa ku baaqday in si deg deg ah dib loogu soo laabto miiska wadahadallada si loo dhammeystiro heshiiska 17 September ee 2020 ay madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Muqdisho.
“Puntland waxay ugu baaqeysaa saxiixayaashii heshiiskii 17 September ee 2020, saamileyda siyaasadeed iyo wakiilada beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya in miiska wadahadalka lagu soo noqdo, sida ugu dhaqsiyaha badan, si loo soo afjaro xaalada hubanti la’aanta dowladeed, si looga hortaggo khal khal amni, iyo burbur dowladnimo”ayaa markale lagu yiri qoraalka.
Qoraalka maamulka Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo door dhex dhexaadin ah ka qaadanayso in dib ay u wadahadlaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira dalka.
Ugu dambeynta Puntland ayaa ku goodisay haddii dib loogu soo laaban waayo miiska wadahadalka ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo masiirka dowladnimada iyo danaha gaar ahaaneed ee maamulka iyo shacabka Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.
Tan iyo markii xildhibaannada golaha shacabka ay meel mariyeen xeerka jiheynta doorashada Soomaaliya, islamarkaana muddo kordhin loo sameeyay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka horyimid midowga musharixiinta mucaaradka, xubnaha beesha caalamka, maamulada Puntland, Jubbaland iyo ururada bulshada rayidka, iyadoona dalka uu galay xaalad hubanti la”aan ah.
Lama oga tallaabadan ay qaadi doonto dowladda soomaaliya iyo sida ay ugu falcelin doonto go”aanka ka soo baxay maamulka Puntland.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





