Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

MW Farmaajo oo dhigiisa Kongo ka codsaday ‘in uu la heshiisiiyo mucaaradka’

Muqdisho (Halqaran.com) – Sida ay sheegtey madaxtooyada Koongo, madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday dhiggiisa dalkaas in uu fududeeyo wada-hadal ay yeeshaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubanaha mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda.

Madaxweyne Kongo, Tshisekedi oo hadda haya xilka Midowga Afrika ayaa la sheegay in uu aqbalay dalabkaasi madaxweyne Farmaajo.

Koongo waxay sheegtey in arrintan ay tahay in Afrikaanku ay iyagu dhexdooda xallistaan arrimahooda halkii ay cid kale xallin lahayd.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo hay’adaha dowladda u kordhiyay muddo laba sanno ah, taasi oo abuurtay in uu cirka isku shareero khilaafka doorashada Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ayaa gaashaanka u daruuray muddo kordhintaasi, iyagoo ku tilmaamay mid wiiqeysa dedaalada dib u dhiska dimuquraadiyadda Soomaaliya.

Magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemaayay dhaqdhaqaaqyo ciidan, kaasi oo ay wadaan xubnaha mucaaradka ee ka soo horeeda dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...