Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Jeneraal Tuuryare oo sheegay in isku day dil uu ka badbaaday

Muqdisho (Halqaran.com) – Jen Cabdiraxmaan Tuuryare Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in kolonyo uu la socday lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Taliye Tuuryare ayaa sheegay in ciidamada rasaasta ku furay gaarigiisa aaney aheyn kuwii degmada ka shaqeyn jiray, oo ay yihiin Ciidamo cusub oo la geeyay xalay kuwaasoo lagu magacaabo Duufaan, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale Jen Tuuryare ayaa tilmaamay in weerarka lagu qaaday uu ahaa daandaansi si ula kac ah loo sameeyay, isagoona sheegay in isku day dil uu ahaa weerarka.

Hayeeshee Jen Tuuryare ayaa xusay in falka dhacay uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha dowladda, islamarkaana arrintan ay u baahan tahay in baaritaan lagu sameeyo.

Waxaa uu sheegay inuusan garaneynin sababta rasaasta loogu furay gaarigiisa oo la yaqaano.

Xalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa isgoysyada qaar lagu arkayay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...