Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Koongo

Congo (Halqaran.com) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Injiili ee dalka Koongo Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...