Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

K/Galbeed oo shaacisay tirada dad loo soo qabtay kiiska carruurtii dhawaan la dilay

Baydhaba (Halqaran.com) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaano xoog leh oo la xiriira dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa dhawaan loo geystay, kuwaas oo maydkooda laga helay duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, sidoo kale waxaa la shaaciyey tirada dad loo soo qabtay kiiskaas.

Wasiirka Cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in falkaas loo soo qabtay illaa lix qof oo ku eedeysan, isla markaana dhawaan cadaaladda la hor geyn doono.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaas ay baaritaano ku socdaan, sidoo kalena ay jiraan shakhsiyaad kale oo ay ku raad joogaan, wuxuuna balan qaaday in dadaal xoog leh ay ka wasaarad ahaan ku bixin doonaan, sida ay dhibanayaashu cadaalad u heli lahaayeen.

Ugu dambeyntii wasiirku waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed ka codsaday inay ku garab istaagaan ka gun gaaridda kiiskaas, si ay cadaalad u helaan ehellada dhibanayaasha oo uu ugu horreeyo Aabaha dhalay caruurtii la dilay Sheekh Aweys.

Toddobaad ka hor ayuu falkaas oo aad looga argagaxay ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, waxaana Jimcihii la soo dhaafay masaajidda magaalada Baydhaba looga hadlay khudbaddii salaadda Jimcaha.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...