Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada oo qoraal wadajir ah soo saaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa shir ay isugu yimaadeen 15-kii bishan waxay uga tashadeen hanaankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga Dhexe ee sand dugsiyeedka 2020-2021-ka.

“Wadatashi iyo gorfeyn dheer kadib. Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay isku raaceen in imtixaanka fasalka 8-aad la qaado 5-ta illaa 8-da bisha June 2021. Sidaas darteed wasaaraduhu waxay ku war-gelinayaan banda waxbarshada iyo maamuleyaasha dugsiyada in loo diyaar garoobo imtixaanka fasalka 8-aad,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo saareen.

Qoraalka ay soo saareen ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay ku boorinayaan maamulka dugsiyada, ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka in ay raacaan talooyinka iyo habraaca ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka Covid-19.”

Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa shir ay isugu yimaadeen 15-kii bishan waxay uga tashadeen hanaankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga Dhexe ee sand dugsiyeedka 2020-2021-ka.

“Wadatashi iyo gorfeyn dheer kadib. Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay isku raaceen in imtixaanka fasalka 8-aad la qaado 5-ta illaa 8-da bisha June 2021. Sidaas darteed wasaaraduhu waxay ku war-gelinayaan banda waxbarshada iyo maamuleyaasha dugsiyada in loo diyaar garoobo imtixaanka fasalka 8-aad,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo saareen.

Qoraalka ay soo saareen ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay ku boorinayaan maamulka dugsiyada, ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka in ay raacaan talooyinka iyo habraaca ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka ee la xiriira ka hortagga iyo xakameynta cudurka Covid-19.”

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...