Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Madaxdii hore ee dalka iyo Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah u socda

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada dalka iyo xiisada ka dhalatay muddo kordhinta ay Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa galabta wada qaatay kulan.

Kalankan oo ka dhacay Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Dalka iyo sida laga yeelayo muddo kordhinta ay sameeyeen Golaha Shacabka, kaas oo xiisad ka dhalatay ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho.

Warar ay warbaahinta Halqaran News ka haleyso kulankaas ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee dalka ay ka dalbadeen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan muddo kordhinta iyo in uu si cad uga soo horjeesto.

Si kastaba, tan iyo markii Golaha Shacbaka ay muddo kordhinta u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo 12-kii Bishaan ayaa waxaa socday kulamo isdaba-joog ah, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ay doonayaan in la laalo muddo kordhinta Golaha Shacbaka si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...