Puntland (Halqaran.com) – Weriye Nuur Jaamac Aadan oo ahaa samafale si weyn looga yaqiinay deegaanada Puntland iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal.
Weriye Nuur Jaamac waxaa la geeriyooday hooyadiis iyo walaashiis, kaddib markii ay isku dheceen labo gaari oo mid kuwa xamuulka qaada ahaa, halka kan kale uu ahaa gaadiidka yaryar ee raaxada, wuxuuna shilkaasi ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.
Meydka saddexda marxuum ayaa la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Garowe, maanta ayaana la aasayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehellada dadkaan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





