Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa xalay Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii degmada Xamar-jajab Maxamed Cabdi Xayle, kadib markii ay soo weerareen koox hubeysan.
Dilka guddoomiyaha ayaa ka dhacay xaafadda Sarakuus ee koonfurta Muqdisho, xilli uu sii galayay gurigiisa oo ku yaalla halkaas goor dambe oo xalay ah.
Afhayeenka Booliska, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka Guddoomiye Maxamed Cabdi.
Koox ku hubeysneed bastoolado oo wadatay Mooto Bajaaj ayaa dishay marxuumka, waxayna durba isaga carareen goobtii uu falkaasi ka dhacay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





