Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Dowladda UK oo mowqif adag ka istaagtay muddo kororsigii Farmaajo iyo Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Ingiriiska ayaa ku boorrisay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka, si ay xal uga gaaraan muranka doorashooyinka dalka, iyadoo hadii ay taasi dhici weyso ku hanjabtay inay beesha caalamka kala shaqeyneyso qorshe mideysan oo lagu wajahayo Soomaaliya.

Cadaadiskaan ka imaanaya UK Mareykanka iyo dalalka iyo ururada kale ee caalamka waxa uu imaanayaa kaddib markii Isniintii toddobaadkan ay muddo kororsi laba sano ah sameysteen xildhibaanada waqtigu ka dhammaaday ee Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Dowladda Britain ee Afrika James Duddridge ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen go’aanka uu Golaha Shacabka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyey Farmaaajo iyo baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday.

“Haddii la waayo heshiis hoggaamin kara doorashooyin loo dhan yahay oo la isku haleyn karo, UK waxay kala shaqeyn doontaa saaxiibada caalamka hab si isku mid ah dib loogu qiimeynayo xiriirka aan la leenahay iyo kaalmada aan siino Soomaaliya. Waxaa isbeddeli doona xiriirka ay Beesha Caalamka la leedahay hoggaanka Soomaaliya,” ayuu yiri James Duddridge Wasiirka Dowladda Britain ee Afrika.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...