Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

R/Wasaaraha UK oo aan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip, maxay tahay sababtu?

UK (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha dalka Britain ayaan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

“Si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan xilli ay jiraan xannibaadaha caabuqa Corona, maka qeyb gali doono aaska Amiir Philip.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raii’sul wasaaraha.

Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota.

30 qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.

Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka.

Amiir Philip ayaa waxay da’diisu ahayd markii uu dhimanayay 99 sano.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...