Thursday, April 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay madaxweynaha Jabuuti

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.

”Waa guul xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka, Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii Shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee dalka Jabuuti, isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98, sida lagu baahiyay warbaahinta dalka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...