Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Dhalo farriini ku jirto oo isaga gudubtay England iyo Norway

Norway (Halqaran.com) – Hooyo iyo wiilkeeda oo ku wada lugeynayay xeeb ku taalla Norway ayaa soo bandhigay dhalo ay ku jirto farriin taas oo soo socdaashay in ka badan 1,000 mayl.

Ida Hodnebo oo 36 jir ah, waxay sheegtay iyadoo la socota wiilkeeda Tallak oo 7 jir ah inay xeebta Jomfruland ka heshay dhalo dhexdeeda ay ku jirto warqad siddeed bil biyaha dul sabbeynaysay.

Sida la fahmay warqaddaan waxaa qortay gabar lagu magacaabo Lilly Carter oo ku nool waddanka Ingiriiska iyadoo warqaddaan ay ku  riday badda.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in muddadaas dheer oo ay dhaladaan badda ku jirtay aysan jebin, ama aysan quusin, iyo inay labo dal isaga gudubtay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...