Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

UPDATE: Muxuu ka yiri guddiga dib u heshiisiinta beelaha Galmudug khilaafka soo kala dhexgalay?

Galmudug (Halqaran.coom) – 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu jiro khilaaf ka dhex curtay Guddiga dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug, ayaa masuuliyiinta Guddigaasi waxa ay beeniyeen inuu jiro Khilaafkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, islamarkaana dad warxumo tashiil ah ay sheegayaan in uu jiro khilaaf ka dhex-jira Guddiga, isaga oo sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay inay jiraan dad faafinaya dacaayado raqiis ah oo sheegaya inuu jiro khilaafkaasi, islamarkaana arrintaasi loo baahan yahay in laga waantoobo.

”Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabangabo. War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milqin khilaafaadka siyaasadeed” ayuu yiri Guddoomiye Baadiyoow.

Xoghayaha Guddiga qaban qaabada shirka Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in uu jiro khilaafka guddiga,isla markaana labo ay u kala qeybsameen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...