Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

In kabadan 200 oo Tahriibayaal ah oo xeebaha Turkiga laga soo  badbaadiyay

Turkey (Halqaran.com) – Ciidamda ilaalada xeebaha ee waddanka Turkiga ayaa soo badbaadiyay 231 qof oo tahriibayaal, kuwaas oo ay dowladda Giriiggu dib u soo celisay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidmada ilaalada xeebaha Giriiggu ay qasab ku soo celiyeen doomihii ay wateen tahriibayaalkaan doonayay inay galaan qaaradda Yurub.

Waxaa la sheegay in dadkii la soo badbaadiyay la geeyay goobaha loogu talagalay tahriibayaasha.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa hore u sheegay in dowladda Giriiggu xoog ku soo celisay seddexdii sano ee lasoo dhaafay in ka badan 80,000 oo qof, kuwaas oo doonayay inay galaan dalalka Yurub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...