Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Puntland  oo war ka soo saartay Shirka Sabtida lagu qabanayo Xerada Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa beenisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo qabanqaabiyay Shirka lagu waddo in magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Afisyooni uu ka furmo.

Wasiirka Warfaafinta xukuumada xil gaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa xalay sheegay in Farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda maamulada kaasoo Sabtida ka furmaya xerada Afisyooni.

“Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka Puntland.

Warka soo baxay Puntland ayaa sidoo kale lagu yiri “Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga”

Beesha caalamka oo waday cadaadis xoogan ayaa ugu dambeyn waxa ay shir iskugu keeni doontaa maalinta Sabtida Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka banaadir.

Si kastaba, shirka oo albaabada u xiranyihiin, waxaa qayb ka ah beesha caalamka, waxaana laga wada hadli doonaa ajandaha shirka inta uusan si rasmi ah u furmin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...