Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, u codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen ayaa kulankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjoog ah 139 Xildhibaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, kuwaasi oo kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza
136 Xildhibaan ayaa ogolaaday in labada xubnood ay ka mid noqdaan Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, waxaana diiday saddex Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay Guddoomiye Mursal.
Kulanka ayaa waxaa ka maqan 15 Xildhibaan oo horey Guddoomiye Maxamed Mursal kaga joojiyay ka qeyb galka kulamada Baarlamaanka, kaddib markii Xildhibaanada ay sameeyeen fowdo iyo buuq kulankii sabtida.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





