Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS oo berri kulan Xasaasi ah yeelanaya

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in Isniinta berri ah ay yeeshaan kulan xasaasi ah, kaddib markii uu qabsoomi waayay kulan ay Sabtidii shalay yeelan lahaayeen.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada maanta u diray in uu jiro Kulanka Golaha, islamarkaana Ajandayaasha ay kala yihiin,  Caabuqa COVID19 iyo u codeyn labada xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha.

Kulankii shalay baaqday iyo kan Maalinta Berito ah Xildhibaannada la filayo in ay yeeshaan ayaa waxaa Xildhibaannada qaarkood sheegeen in uu ku hoos jiro Ajande ku saabsan muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda oo muddo xileedkooda dhamaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa qoral uu soo saaray xalay waxaa uu ku soo bandhgay 15 kamid ah Xildhibaannada oo laga mamnuucay inay ka qeyb galaan 5 kulan  ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay inay hor istaageen qabsoomida kulankii shalay.

Xildhibaannada qaarkood oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Go’anka uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana u hoggansami doonin.

Kulanka Golaha Shacabka ay maalinta Berito ah yeelanayaan ayaa waxaa uu noqonayaa mid xasaasi ah oo isha lagu wada haayo, waxaana Xildhibaannada mucaaradka ay sheegayaan in marnaba kulankaas aan laga hor isaatgi karin inay ka qeyb galaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...