Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada dalka oo shir gaar ah u furmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel ku dhex yaalla xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa goor dhow uu Shir gaar ah uga furmay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka, marxaladihii ugu dambeeyay iyo qilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin.

Sidoo kale Shirka madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ayaa waxaa looga arrinsanayaa furitaanka ajendaha shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, kaasi oo ka dhacaya teendhada Afisyooni.

Shirka haatan ka socda xerada Xalene ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Galmudug Axmed Qoorqoor.

Madaxda maamulada ayaa saacadihii lasoo dhaafay caasimadda dalka ku yeeshay kulamo gaar gaar ah oo horudhac u ahaa shirka u furmay, iyagoona si weyn uga hadlaya qilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shir dhexmaray madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dowladda taageersan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...