Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Shiray dardargelinta amniga Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose oo looga hadlay dardargelinta Amniga Caasimadda.

Waxaa kulankan ka  qeyb galay Agaasimayaasha hoostaga qeybta Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, la taliyaasha Amniga iyo saraakiisha Amniga Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa looga hadlay cabashooyin ka imaanayey shacabka oo la xariira kooxo hubeysan oo xiliyada habeenkii dhac geystay, walow oo ay ka jawaabeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa shacabka, laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka, si meel looga soo wada jeesto, loogana feejignaado dhagaraha ay cadowgu maleegayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay saraakiisha amniga iyo Agaasimayaasha in ay laba jibaaraan shaqada ay hayaan bulshada, waxaana uu sheegay in la joogteyn doono kulamada noocan oo kale ah ee looga hadlayo Amniga Caasimadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...