Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Ingiriiska ayaa war ka soo saartay xaaladda siyaasadda dalka, waxa ayna sheegtay in aysan taageeri doonin hannaan walba oo doorasho hal dhinac ah.
Qoraal ka soo baxay dowladda UK ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay isku yimaadan si loo dhameystiro heshiiskii doorashada 17 Sebteembar iyo is afgaradkii Baydhabo ku dhex maray guddiyada heer federaal iyo heer dowlad goboleed 15-16 February.
“UK waxeey hoosta ka xarriqeysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo ay ka gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo soo jeedintii guddiga farsamada ee 16-kii Febraayo.” ayuu yiri wasiirka Africa ee UK James Duddridge.
James ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Ingiriiska aysan taageeri doonin hannaan walba oo hal dhinac ah ama isbar-bar socda..
“UK ma taageeri doonto ficilada horseedaya geedi socodka doorashooyinka qeyb ahaan ama isbarbar socda, ama si toos ah loogu kordhinayo waqtiga Hay’adaha dowladda.”
Hadalka UK ayaa yimid xilli madaxda Soomaalida maalmihii u dambeeyay ay wajahayeen culeysyo uga imaanayay dowladaha taageera Soomaaliya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





