Pakistan (Halqaran.com) – Ali Abbas waa timo jare deggan magaalada Lahore ee dalka Pakistan. Agabka uu dadka timaha ugu jaro waxaa ka mid ah fiilo, buris, mindi iyo dhalooyin.
Muuqaal laga soo duubay isaga oo howsha ku guda jira ayaa lagu wadaagay baraha bulshada kaas oo dad badan gaaray siyaabo kala duwanna looga falceliyay.
“Maalin walbo, waxaan isku dayaa inaan la imaado hab cusub oo timaha loo jari karo, markaan adeegsanayey buriska ama mindida waxa ay aheyd tijaabo.” Ali ayaa sidaas u sheegay warbaahin maxalli ah.
Wuxuu sheegay in muuqaalka loo duubay si aan ku tala gal aheyn balse in timaha lagu jaro qalabkaas ay tahay howl uu sanado u tababaranayey sidii uu u sameyn lahaa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





