Wednesday, July 8, 2026
25.6 C
Mogadishu

UPDATE: Wasiirkii hore Amniga ee Jubbaland ‘C/rashiid Janan’ oo yimid Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Diyaarad siday Wasiirkii hore Amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa galab dhicii maanta ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa keenay Muqdisho Cabdirashiid Janan oo dowladda Soomaaliya la heshiiyay xilli hore loogu eedeeyay dambiyo ka dhan ah binaadanimada.

Wasiir Janan oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa lagu waddo in uu la kulmo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu mari doono hanaann la doonaayo in looga saaro eedeymaha kala duwan ee loo heysto.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan oo tiir muhiim ah u ahaa nabad gobolka Gedo horayna waxaa loogu eedeeyay in uu wada shaqeyn la leeyihiin dowladda Kenya.

Wasiir Janan ayaa meel gaar ah ku xabistay Dawlada Soomaaliya sanad ka hor, iyadoo ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xilli uu ka dhoofi rabay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...