Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ka soo baxaysa weerarkii madaafiicda ee lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Halqaran.com) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la garanayn halka laga soo tuuray ayaa ku dhacay Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay madaafiicdaasi, halka shan kalena ay ku dhaawacantay, iyadoona dhibaneyaasha loo qaaday goobaha caafimaadka.

Mid ka mid ah madaafiicdaasi ayaa ku dhacay guri ay degenaayeen qoys ka kooban sideed qof, waxaana ku dhintay aabihii reerka iyo canug yar oo umul ahaa, halka saddex kale oo xubnihii qoyskaasi ka mid ahaana ay ku dhaawacmeen.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee loo tuuray dhanka Garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli Garoonka Aadan Cadde ay ku sugan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxay aheyd 9-kii bishan, markii weerar ceynkani oo kale ah lagu qaaday Xerada Xalane, oo saldhigga ugu weyn ay ku leeyihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, sidoo kalena ay degan yihiin diblomaasiyiinta shisheeye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...