India (Halqaran.com) – 95 jir u dhashay dalka Hindiya ayaa sheeganaya inuusan weligiis jarin timihiisa oo dhererkoodu sii dhaafayo 24-feet ama (7.3 meters). Marwalba oo uu soconayo waxaa isu-tagga timihiisa oo dad badan aragtidiisa ay layaab awgiis sunniyaha la taagaan.
Xilli dad badan ay ka walaacsan yihiin in aysan booqan Karin goobaha timaha lagu qurxiyo, 95 jirkaan dan kama galin inuu timihiisa jaro taniyo inta uu xusuusan yahay.
Dadka ku nool xaafadda uu dagan yahay ayaa u arka nin qeyrul-caadi ah oo mudan in laga heybeysto, waxaana ay mararka qaar ka caawiyaan nadiifinta timihiisa halkii uu ka jari lahaa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





