Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u qaatay tallaalka ka hortagga caabuqa COVID-19 oo dhawaan la gaarsiiyay magaalada Hargeysa.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tallaalka la geeyay Hargeysa intiisa badan ay qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka iyo bahda caafimaadka ee safka horre ugu jira la dagaalanka caabuqa COVID-19.
Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in tallaalka uu yahay mid muhiim ah, isla markaana dadka degan deegaanada Somaliland ugu baaqday inay qaataan, si looga hortaggo caabuqa COVID-19.
Caabuqa COVID-19 oo markii labaad kusoo laba kacleeyay deegaanada maamulka ayaa waxaa uu ku dhacay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan maamulkaas.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





