USA (Halqaran.com) – Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliska kaddib markii is rasaaseyn socotay saacado ay ka dhacday suuq ku yaalla gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.
Toogashadaan ka dhacday magaalada Boulder ayaa waxaa ugu dambeyn soo afjaray booliska, iyaga oo xiray qof dhaawac ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarkan ka dhacay suuqa King Soopers.
Weerarkaan oo si toos ah looga daawanayey barta YouTube ayaa bilowday markii nin hubeysan uu soo galay suuqa kaddibna uu rasaas ku furay dadka.
Taliyaha booliska magaalada Boulder Maris Herold ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah askarta booliska uu ku dhintay toogashada, iyadoo tuhunsanaha oo dhaawac ah lagu daweynayo isbitaalka.
Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore, madaxweyne Biden balan qaaday in uu sameyn doono sharci adag oo lagu baarayo taariiqda dadka doonaya in ay iibsadaan hubka.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





